Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho

Qarax lagu xiray gaari nooca raaxada ah ayaa ka dhacay goor dhawayd Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho .

inta laxaqiijiyay qaraxan  ayaa waxaa ku dintay hal qof , waxaana ku dhaawacmay  sadax qof oo kale.

Wararka uu  helayo Warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegaya in ninka qaraxa lagu dilay uu kamid ahaa Agaasime waaxeedada wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta .

Ciidamada amniag ayaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray , waxaana sidookale  baxsaday kooxdi qaraxa ku xirtay gaarigan.

 

Dilalka iyo qaraxyada Muqdisho ayaa caadi ka  ah magaalada , waxaana jirin wax qorshe ah oo ay dowladda Farmaajo ka leedahay sugida amniga shacabka ay mas,uulka ka yihiin ilaa iyo mudadii uu xilka qabtay  .

 

<