
Shacabka ku dhaqan deegaanka Ceegaag ee gobolka Cayn ayaa soo dhaweeyay magacaabistii golaha Wasiirada ee Puntland oo dhawaan degmo u aqoonsaday in ay noqoto magaalada Ceegaag,kadib markii ay buxisay shurudihii looga baahnaa in ay degmo ku noqoto Ceegaag.
Degmadan ayaa ku soo biirtay degmooyinka gobolka Cayn oo awal sadax degmo u ahaa , haatan ay iyadu afar ku noqon doonto .
Xaflad balaaran oo lagu taageerayay aqoonsiga degmada ayaa lagu qabtay Ceegaag , waxaana ka soo qayb galay bulshada qayba heeda kala duwan.
Halkan ka dhegayso.
Sawiro.