
Hoggaamiyihii sare ee jabhadda ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayay ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga ee xarunta dowladd deegaanka Itoobiya .
Wafdigan ayaa uu hogaaminayo Admiral ayaa mudo 10 sano kabadan waxa ay dagaal kula jireen dowladda Itoobiya kaas oo haatan la soo afjaray , kadib markii uu isbad laxaadle uu ka dhacay geeska Afrika ,gaar ahaan dalka Itoobiya.
Safarka wafdiga waxaa ka warbixinaya Af-hayeenka Ururkaas Caddaani Hirmooge.