(Dhegayso) Agaasimihii hore ee Hay,ada PSFta Asad Cimaan C/laahi ” Waxaa calaamad cas ii saaran laba kooxod ”

Agaasimihii hore ee  Ciidamada Difaaca Puntland ee PSFt  Asad Cismaan C/laahi , haatana ah Musharax Madaxweyne ee Puntland 2019 ayaa waxa uu sheegay in uu Puntland ka cirib tiri doono hadii uu ku guulaysto xilka kooxaha Argagixisada ee Al-shabaab iyo Daacish  ee ku dhuumaalaysanaya buuraleyda Galgala ee gobolka Bari .

Asad Cismaan ayaa sheegay in cadowgii Puntland aan wali lacirib tirin , kaas oo ka shaqaynaya wax yeelada shacabka Puntland .

Magaalada Bosaaso ayaa maalmihii udambeeyay waxaa ka dhacaayay dilal qorshaysnaa oo ay Aragagixisada Al-shabaab iyo Daacishba ay ka gaysanayeen ,iyadoo taasi ay ganacsatada u sii dheertahay in lawaydiiyo cashuuro loo yaqaan zakaawaad.

Halkan ka dhegayso.