(SAWIRRO) Nabaddoon cusub oo lagu caleemo saaray degmada Burtinle.

Burtine (Puntlandi) Magaaladda Burtinle ee gobalka Nugaal waxaa lagu caleema saaray nabaddoon Cabdikaafi Cabdulaahi Xuseen oo kamid noqonaya nabadoonada Puntland.

Munaasabada caleemo saarka nabaddoonka waxaa ka qayb galay, masuuliyiin katirsan dowladda Puntland, Cuqaal, Nabadoono, Ganacsato, Isimo, Aqoonyahano iyo qaybaha kala duwan ee Bulshadda degmadda Burtinle.

Duubabka dhaqanka ee degmada Burtinle ayaa nabadoon Cabdikaafi Cabdulaahi Xuseen ku ammaanay inuu yahay shaqsi hormuud u ah horumarka bulshada, ayna aaminsan yihiin in horey loo tijaabiyay waxtarkiisa laguna yaqaano karti, hufnaan, ukaalmaynta iyo ka qeyb qaadashada samafalka ummadda iyo horumarka deegaanka.

Duqa degmada Burtinle, Maxamed Maxamuud Buurdibi, ayaa sheegay nabadoon Cabdikaafi inay degmada Burtinle u baahan tahay, isagoo ku ammmaanay inuu yahay shaqsi danta caamka ah af iyo adin uga qeyb qaadan jiray, ka maamul ahaanna ay soo dhoweynayaan caleemo saarkiisa, isagoo guddoomiye ku xigeenku caddeeyay in loo baahan yahay nabadoono leh sifada Cabdikaafi Cabdikaafi Cabdulaahi Xuseen.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, Cabdiraxmaan Ciise Ibcad, oo kamid ahaa masuuliyiintii kasoo qeyb galay caleemo saarka Nabaddoonka, ayaa ka maamul ahaan soo dhoweeyay nabadoonka cusub, uguna duceeyay inuu ilaaheey ufududeeyo masuuliyadda culus ee uu qaaday.

Nabaddoon Cabdikaafi Cabdulaahi Xuseen, Waa Aabbe leh todobo carruur ah iyo labo xaas, dhinac kalena waa ganacsade masuul ka ah shirkado kala duwan oo fadhigoodu yahay degmada Burtinle.

Xildhibaan Siciid Cabdi Surcad, oo kamid ah xildhibaanada barlamaanka Puntland, ayaa u mahad celiyay beesha soo xulatay Cabdikaafi oo uu ku ammaanay inay soo xusheen midkii u wanaagsanaa, waxaana uu hadalkiisa uu ku daray inuu nabadoonka hambalyo uga sido guddoomiyaha barlamaanka.

Nabaddoon Cabdikaafi Cabdulaahi Xuseen, oo hadal kooban ka jeediyay xaflada, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kamid noqdo golaha dhaqanka Puntland. Wuxuu balanqaaday inuu ka shaqeyndoono nabad gelyada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu ilaaheey ka baryay inuu ilaaheey ka aqbalo himiladiisa.

DAAWO SAWIRRADA.

Puntlandi.com