Maraykanka oo duqayn cirka ah ku dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn cusub oo ay ka fuliyeen maalintii shalay deegaan ka tirsan Gobolka Baay , waxaana la sheegay in duqaynta lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan Buur Gaalway oo u dhaxeeya Diinsoor iyo Buurhakaba.

Taliska Mareykanka AFRICOM ayaa sheegay in 10 xubnood oo ka torsan Argagixisada Al-shabaab ay ku dileen duqeynta, iyadoo aanay jirin dad rayid ah oo waxyeelo ay ka soo gaartay.

Duqeyntan ayaa ah tii 37aad oo uu Mareykanu ka fuliyo Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa goor sii horeysay shaaciyay in howlgal ay fuliyeen ciidanka Amniga iyo saaxiibadooda caalamiga ah lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

<