(Dhegayso)+Sawiro Gen: Asad Cismaan C/laahi oo Bosaaso kaga dhawaaqay in uu yahay musharax Madaxweyne ee Puntland 2019

Jeneral Asad Cismaan Cabdulaahi ayaa maanta oo sabti ah taariikhduna tahay 1da December 2018ka magaaladda Bosaso kaga dhawaaqay inuu u tartamayo doorashada Madaxtinimada Puntland ee 8da janaayo 2019ka .
Xaflada si heer  sare ah  loo soo agaasimay ayuu Gen Asad  ku shaaciyay musharaxnimadiisa, xafladda waxaa ka soo qaybgalay  Siyaasiyiin, Culuma’udiin, Ganacsato, Aqoonyahano, Abawaano, Haween, dhalinyaro  iyo qaybaha kala duwan ee bulshada  reer Puntland oo isaga yimid dhammaan goboladda Puntland.
Jeneraal Asad oo ah nin dadka reer Puntland inta badan maqalkiisa hayeen hase ahaatee ayan arag ayaa saxaafadda iyo Shacabka ka soo hor muuqday. Waxay ahayd wax muddo la dhowrayay oo shacab badan xiiso gaar ah u hayeen araggiisa
Khudbad Dheer oo dhinacyo badan taabanaysay ayuu soo bandhigay oo uu kaga hadlay sababaha ku kulifay inuu isu soo sharaxo Madaxtinimada Puntland, Khibradiisa Ciidan iyo Waayo-aragnimadiisa, Xaaladaha kala duwan ee ka jira dalka iyo qayb kooban oo uu ku soo bandhigay barnaamijkiisa Siyaasadeed
Jeneraalka ayaa hadalkiisa ku billaabay : “Farriimo badan oo dadwaynaha iiga imanaysay oo ay igaga codsanayaan inaan jagadaan isu soo taago ayaa isoo gaarayay bilihii u dambeeyay ee la soo dhaafay. Waxaad ogtihiin in aanan ahayn qof jecel sawir iyo ha lagaa sheego, ama u xiiqsan xil iyo jago raadin, oo runtii ah mid aan u arko amaano culays badan, xisaab adduun iyo mid aakhirona wadata. Ha yeeshee waxaan ka fursan waayay tixgalinta codsiga bulshadeenna sharafta leh, mar haddii ay kalsoonidaas iyo taageeradaas baaxadda leh ii muujiyeen; waxaana leeyahay codsigiinna waan aqbalnay, mahadsanidiin….. Guulaysta”  ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay
Musharax Asad, khudbadiisa wuxuu kaloo kaga hadlay dhibaatooyinka bulshada ragaadiyay sida Musuqmaasuqa iyo Faqriga, waxaana uu yiri
“Waxaan aaminsanahay la-dagaalanka musuqa, argagixisada,faqriga iyo wixii la midka ah, waxaa kaliya ee aan uga guulaysan karnana wa markaan samaysanno garsoor cadaalad ah oo kan maskiinka ah xaqiisa u dhiciya, kan dulmiga wadana gacan bir ah ku qabta; waa taas wadada aan ku gaari karno horumarka iyo baraaraha, waana nuxurka xadiiskii nabiga NNKH ee ahaa u hiilli walaalkaa hadduu wax dulmiyay iyo haddii isaga la dulmiyayba. (انصرأخاك ظالما اومظلوما).”.
Jeneraalka wuxuu farriin adag u diray kooxaha argagixisada isaga oo yiri:
“Labada qolo oo ay ii saarantahay calaamadda cas oo aan marnaba heshiin karin waa: muqsuqa ragaadiyay hay’adaha dowladda oo aan u aqaan cadowga aan muuqan iyo cadowga dhul-boobka ah iyo argagixisada”
“Haddii alle igu guuleeyo argagixiso heli mayso geed qariya ama god ay ku dhuumato; ganacsato caga juglayn iyo cabsigalin ay baad lacag uga aruursan doonaanna jiri mayso; taako Puntland dhulkeeda ah oo gacan cadow Somaali-diid ah ku sii jiri doontana ma jiri doonto, taasna waa sababta qaybta hore ee halku dhiggeenna uu u yahay (Difaac)”.
“Haddii alle ii garto hoggaanka Puntland, talada dalka noqon mayso mid aniga oo madaxwayne ah iga bilaabata iguna dhamaata, waxaan dhidibbada u adkayn doonnaa hay’adaha dowladda annagoo shaqadooda u fududayn doonna, hawl gudashadoodana u madax bannanayn doonno; taasina waa sababta qaybta dambe ee hal ku dhiggayaga aan uga dhigannay (Dowladnimo)”.
Gabagabadii Musharax Asad Cismaan Diyaano  wuxuu ballanqaaday in barnaamijkiisa siyaasadeed oo dhamaystiran oo faahfaasan la wadaagi doono bulshada reer Puntland maalmaha soo socda, hase yeeshee wuxuu tilmaamay inuu diirada ku saari doono Amniga iyo dib u dhiska ciidanka, horumarinta dhaqaalaha, kobcinta wax soo saarka iyo dhiirigalinta maalgashiga
“ waxaan kaloo faahfaahin doonaa Qorshayaashayda ku aadan xoojinta dowlad  wadaaga iyo garsoorka, waxaan kaloo ka shaqayn doonaa arrimaha bulshada sida caafimaad, waxbarashada, biyaha iyo korontada, sidoo kale waxaan shaqo abuur u samayn doonaa dhalinayrada, Qorshaha haweenka ayaa ka mid ah barnaamijkayga siyaasadeed” ayuuy yiri
Cismaan Cabdullaahi waxaa khudbado ka jeediyay masuuliyiin isugu jiray Siyaasiyiin u tartamayo doorashada, Generaalo ka tirsanaa ciidamada Soomaaliya, aqoonyahano, Culuma’udiin, Madaxda Ururo bulsho, Haween, nabadoono, cuqaal iyo  dad kale oo bulshada hormuudkeeda ah, waxay dhammaantood soo dhaweeyeen musharaxnimada Jeneral Asad Cismaan.

Asad  Cismaan Cabdullaahi wuxuu 14kii sanno la soo dhaafay Madax iyo howldeen ba ka ahaa Ciidamada Xooga Puntland ee PSF, Waa aqoonyahan dhinaca ciidamada iyo maamulka , wuxuuna wax ku soo bartay dalka dibadiisa, waa Daljoog ah oo aan  qurbo joog ahayn.

Hadaba halkan ka dhegayso warbixinta uu ka diyaariyay wariyaha Puntlandi.com ee Bosaaso .kana daalaco sawirada Musharaxa .