BREAKING NEWS:- Murashixiinta madaxtinimada Puntland oo digniin culus kasoo saaray magacaabidda guddiga khilaafaadka.

Musharixiinta xilka madaxtinimada dowladda Puntland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa madaxweynaha dowladda Puntland ka dalbaday in musharixiinta ay door ku yeeshaan magacaabidda guddiga xalinta khilaafaadka iyo kala saarida xildhibaanada barlamaanka.

Musharixiinta ayaa soo saaray qoraal isugu jira digniin iyo talo soo jeedinta kaga aadan hanaanka loo marayo magacaabidda guddiga xalinta khilaafaadka iyo madax banaanidooda.

Murashixiintu waxay ka digeen
1:– In ay meesha ka baxdo kalsoonida iyo madaxbanaanida guddiga.
2:- In madaxweynuhu rabitaankiisu kusoo magacowdo guddiga xalinta khikaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada.
3:– In madaxweyne Gaas liiska uu ka saaro xildhibaanada sida saxda beelahoodu usoo gudbiyeen, taasoo meel ku dhac ku ah Isimada.
Murashixiintu waxay talo kusoo jeediyeen.
1:– Waa in sharuudaha guddiga iyo awoodoodu is waafaqsan yihiin.
2:- Waa in laga wada tashado magacaabidda guddiga xalinta khilaafaadka si looga hortago isqbqabsi iyo ku tagri falid.
3:– In xubnaha guddiga noqdaan kuwo isku dheeli tiran.
4:– In guddiga aysan kamid noqon karin shaqaalaha dowladda iyo cid kasta oo ka ag dhow dowladda hadda waqtigeedu sii dhamaanayo.
5:– In xubnaha guddiga aysan kamid noqon karin cid u ololaynaysa musharax gaar ah.
6:– In uusan madaxweyne gaas hantida dowladda u isticmaali karin si toos ah iyo si dadbanba.
7:- In madaxweynuhu uusan xil magacaabi karin, xilna ka qaad karin cidna maadaama u yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada.
8:– In xubnaha guddiga aysan kamid noqon karin cid maxkamad xukuntay.

Puntlandi.com