Breaking News– Madaxweyne Gaas oo todobaadka soo socda ku dhawaaqaya Gudiga khilaafaadka Doorashada xili ay uga digeen Mushariintu arintaas

War rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Gaas uu qorshaynayo inuu Todobaadka soo socda uu magacaabayo Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada 2019.

Sargaal aad ugu dhow Mdadweyne Gaas ayaa noo xaqiijiyey inuu Madaxweynuhu uu soo wado Gudi garaya 9 xubnood oo Sadex dumar yihiin, wkuxuu kaloo noo raashay Sargaalku in xubnahaas ay 5 kamid ah hada diyryihiin.

Musharixiinta ayaa maanta wazay soo saareen Warsaxaafadeed ay Madaxweyne Gaas uga digayaan inuu isku dayo inuu Gudigaas magacaabo isagoon kala tashan mushrixiinta maadaama uu isugun Mushrax yahay.

Dhan kaa kalena Madazweyne Gaas wuxuu maanta soo saaray Wareegto uu ku dardar ga├Žinayo Soo xulida Xildhibaanada isagoo u qabtay 14 Decembar ugu dambeyn in lagusoo gudbiyo Xildhibanada cusub.

Puntlandi.com
Bosaso