Akhriso Wareegto uu Madaxweyne Gaas kusoo saaray in Xildhibaanada cusub lasoo gudbiyo Ugu dambeyn 14 bishaan, waxay xadgub ku tahay oo ay burineysaa go’aankii iyo Wareegtadii Barlamaanka ee Doorashada ee Bishii August

Sida ku cad qoraal ama hindise sharci oo uu meel mariyey Barlamaanka Puntland Bishii August bartameheeda, ayaa Xildhibaanda golaha Baarlamaanka Puntland ku ansixiyeen xeer sharci iyo habraaca soo xulida Xubnaha cusub ee Golaha Wakiilada Puntland, Sharcigaas oo Gobolda iyo Beelaha ku amrayay in Xildhibaanda Cusub la soo gudbiyo ugu dambayn 31.12.2018.

laakiin waxaa muuqata in Wareegtadii uu shalay soo saaray Madaxweyne Dawlada Puntland Mudane Cabdiweli Cali Gaas ay xadgudub sharci ku tahay, iska markaana ay burineyso go’aankii Dorashooyinka ee ay hore u soo saareen, una meel mariyeen Golaha Wakiilada Puntland.

Wareegtadaan Madaxweyne Gaas ayaa lagu amray in ay Beeluhu kusoo gudbiyaan Xildhibaanada Cusub mudo laba usbuuc gudahood ah, ugu dambeyn 14.12.2018, mudadaas oo ah mid deg deg ah , isla markaana ka horimaneysa oo lid ku ah go’aankii Golaha Wakiilada ee ahaa in Beeluhu ugu danbeyn soo gudbiyaan Xubnaha Cusub ee Barlamaanka ugu danbeyn 31.12.2018, si Gudiga Ansixintu uu u helo wakhti uu ku xaliyo muranka iyo isqabqabsiga u dhexeyn kara Beelaha, loogna dheeraado in la galo doorasho deg deg ah, iyadoo weli Beeluhu ku maransan yihiin Xubnaha Cusub ee Golaha ku matalaaya

Qaar kamid ah Musharixiinta oo Puntlandi.com la hadlay ayaa walaac xoogan ka muujiyey ujeedada guran ee Madaxweynuhu ka leeyahay xeer-jebinta cad ee uu ku kacay wakhtigan kala-guurka ah. Waxayna sheegeen in Madaxweynuhu uu sanba xaq ugu laheyn inuu xiligan soo farageliyo, oo wax ka badel ku sameeyo go’aandii doorashooyinka, ee uu horay u soo saaray Barlamaanka Puntland.

Musharixiinta ayaa sheegay in ay u arkaan talaabada uu qaaday Madaxweyne Gaas iyo wareegtada uu shalay soo saaray ay tahay mid loogu talo galay in qas lagu geliyo hawlaha doorashooyinka, isla markaana meesha ka saareysa in si wadajir ah looga wadatashada soo xulida iyo magacaabida Gudiga Khilaafadka iyo Ansixinta Xildhibaanada Cusub ee Barlamaanka Puntland

Hoos ka akhriso Wareegtada Madaxweynuhu soo saaray, hoosteedana ka eeg tii Baarlamaanku soo saaray