Warsaxaafadeed:- Puntland uma dulaysnaanayso Villa Soomaaliya haddii laga waayo hanaan dowladnimo oo federal ah.

 

Garowe Puntlandi:- Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa looga hadlay khilaafka  Puntland iyo dowladda federalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Xamar iyo dedaaladii dhex dhexaadinayd ee uu waday aqalka sare oo ugu dambayn lagasoo saaray warmurtiyeed.

Dowladda Puntland waxay warsaxafadeedka ku cadeysay inaysan u dulaynaandoonin dowladda federalka Soomaaliya haddii laga waayo hanaan dowladnimo oo federal ah islamarkaana ku dhisan xurmo, qaanuun iyo awood qeybsi sharciyeed oo aan laga tilaabsan karin marnaba.

Dhinaca kale, dowladda Puntland waxay sheegtay inay soo dhoweynayso qodobadii dhex dhexaadinta ahaa ee kasoo baxay aqalka sare, inkastoo ay raacisay in qaar kamid ah qodobadii Puntland gudbisay aan lasoo qaadan.

Halkaan ka akhriso.