Xaafada Baraxley oo lagu qabtay dad looga shakinsan yahay dilkii wadaadkii suufiga iyo xertiisii.

Ciidanka Galmudug ayaa xaafada Baraxley ee koonfurta Gaalkacyo ku qabtay rag lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen dilkii wadaadkii Suufiga ahaa ee Cabdiweli Cilmi Yare iyo qaar badan oo kamid ahaa xertiisa kadib weerar isugu jiray isqarxin iyo rasaasayn lagu qaaday xarun diimeed uu ku lahaa duleedka Baraxley.

Saraakiil warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay hayaan xog ku aadan Guriga ay deganaayeen raggaasi iyo qaabka weerarkaan loo abaabulay.

Warsidaha Puntlandi ayaa ogaaday xogtaan inuu bixiyay dhagar qabe katirsan Shabaab, kaasoo kamid ahaa dableydii weerarka ka qeybqaadatay islamarkaana la qabtay isagoo dhaawac ah.

Ku dhawaad 15 ruux ayaa ku dhimatay Qaraxyadii ka dhacay xarunta xerta ee Wadaadka Cabdiweli, waxaana la qabtay mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday oo dhaawac ah.

Puntlandi.com

Gaalkacyo