Breaking News– Madaxweyne Gaas oo si rasmi ah ugu dhawaaqi doona inuu Musharax yahay

Sida ay Puntlandi.com Warka ku hayaan Waxaa dhowaan Bosaso ka dhici doona Xaflad balaaran oo Madaxweyne Gaas uu ku bilaabi doono ololihiisa Doorashada .

Xaflada ayaa lagu wadaa iney ka dhavdo Bosaso, wuxuuna Madaxweyne Gaas uu Xaflada uga dhawaaqi doonaa inuu mar kale u tartami doono kursiga isagoo halkaas kusoo bandhigi doona Barnaamijkiisa Siyaasadeed ee uy ku galayo ololaha Doorashada Puntland 2019.

Waxaa Xaflada kasoo qayb gali doona oo lagu casumay Odoyaal dhaqameedyo , Soyaadiyiin iyo Taageerayaashiisa dhanka Ururada Bulshada.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu Madaxweyne si kaftana u cara baabay hadalo u muuqda inuu Musharax yahay laakiin wali si rasmi ah uma uusan shaacin.

Kala soco wararka Puntland Election 2019 Puntlandi.com oo ah isha kaliya ee aad ka heli karto wararka rasmiga ah ee doorashada oo dheeli tiran