Akhriso warqad, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo digniin u diray Musharixiinta Madaxweynaha Puntland

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi Gujir ayaa warqad uu u diray laamaha amaanka wuxuu ku wargaliyey Amar ku soo rogay Musharixiinta Madaxweynaha ee imanaya Garowe.

Amarkaas ayaa Gudoomiyuhu wuxuu farayaa Musharixiinta ku tartami doona Doorashada Madaxweynaha ee bisha Janaayo 2019 in ay laba cisho ka hor inteysan soo galin Garowe ay soo wargaliyaan Xarunta Gobolka.

Gudoomiye Gujir wuxuu kaloo Musharixiinta ku amray ineysan Wax shir ah ama Xaflado la xiriira ololohooda Doorashada oo aan Gobomku ka warqabin aysan ku qabsan karin Garowe.

Qoraalka kasoo baxay Gudoomiyah Gobolka Nugaal waxaa ka biyo-diidey musharixiinta qaar ka mid ah oo aan la xiriirey waxayna talaabadaan u arkaan in ay arrintaasi tahay diidmo loo diidayo xuquuq ay sharci ahaan iyo dastuur ahaan u leeyihiin, loona baahan yahay in la dhowro xuquuqdooda dastuuriga ah.

Puntlandi.com
Garowe

Hoos ka akhriso warqada