Sawiro iyo faahfaahin : Kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab oo weerar qaraxyo iyo dilal ah ka geystay Xaafada Baraxley

Saaka waabarigii Waxaa duleedka Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo gilgiley Weerar isigu jira Qaraxyo iyo Rasaasayn kasoo lala beegsadey Qasri weyn oo uu halkaas ku lahaa Nin magacaabi jiray Cabduweli Cilmi Yare.

Haba yaraatee ma jirto cid usoo gurmatay Weerarka lagusoo qaadey ninkaan, laakiin Ciidan yar oo uu isagu heystay ayaa in mudo yar ah isdifaacday,halka aakhirkiina waa laga awood batay.

Wariyaha Puntlandi.com ee Gaalkacyo oo khadka teleefoonka kula hadlay Dadka deegaaka wuxuu sheegay in ugu yaraan 18 meyd ah loogu tagay goobta oo ay saacado kadib gaareen Ciidanka Galmudug.

Cabduweli Cilmi Yare oo ahaa wadaad meesha xer ku haysta iyo xaaskiisii ayaa jiraa dadka la diley,Waxaa sidaas Puntlandi.com u xaqiijiyey Cali Ducaale oo ah sarkaal ka tirsan Ciidanka Galmudug .

Cali wuxuu yiri ” Waxaa saaka lasoo weeraray Guriga Cabduweli Cilmi Yare, Isaga iyo Illaaladiisii iyo Dad kalena waa la laayey”

Weerar kaan waxaa durba sheegtay Al-shabaab oo sheegay iney bar tilmaamadeysanayeen nin ay ku shegeen inuu Nabiga Suuban NNH u gafay.

Hoos ka daawo sawirsda