Mukhtaar Roobow oo Villa Soomaaliya uga adkaaday Baydhabo


Iyadoo Xukuumada FederaaƦku ay Malaayiin Dollar ay ku bixiyeen iney Madaxweyne uga dhigaan Koonfur Galbeed Musharax Cabducasiis Xasan oo looyaqaan Lafta-gareen, isla markaasna ay Itoobiya u adeegsadeen in Baydhabo laga saaro Shariif Xasan Sheikh aaden ayay hada u muuqataa iney meel cidla ah kusoo dhaceen.

Shacabka Koonfur Galbeed iyo Siyaasiyiinta Deegaanka ayaa si cad uga hor yimid faragalinta ay Villa Soomaaliya ku sameysay deegaankooda iyo Doorashadooda.

Gidooyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo iminka Baydhabo ku sugan iyo Shariif Xasan oo isna Nairobi uga jira khadka teleefoonka ayaa geed dheer waxay u fuuleen Sidii Baydhabo looga adkaan lahaa kooxda Ay Dowlada Federaalku wataan, Waxayna hada u muuqataa in mar hore loogu awood sheegtey.

Musharaxa Madaxweynaha ee horey Hogaamiyaha sare uga ahaa Kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab Mukhtaar Roobow oo inta badan heysta Taageerada deegaanka mid dhacab iyo mid Siyaasiyiinba ayaa jaanis wanaagsan ka helay Faragalinta qaawan ee ay Villa Soomaaliya ku hayaan Doorashada Koonfur Galbeed.

Inta badan Musharixiintii Tartameysay waxay u tanaasuleen Mukhtaar Roobow halka iyana Xildhibaanada Koonfur Galbeed inta badan ay hada muujiyeen iney isaga taageerayaa.

Mukhtaar Roobow oo Daboyo wuxuu hada yahay Musharaxa ugu cadcad inuu guuleysto doorashada Dhici doonta 5 decembar.

Waxaa iyana jirta oo ay siyaasiyiin badan ka digeen in wali aysan quusan Villa Soomaaliya oo ay hada qorsheynayaan in Doorashada la khashkhashaado ama amaanka khalkhal galiyaan si Doorashada loo habsaaniyo ayna halkaas ka helaan wakhti ay markale isusoi abaabulaan.

ƘWasaarada Amniga ee Dowlada Federaalka ayaa farta lagu godoyaa iney wado Qorshayaal Shirqool oo aan la ogayn qaabkay u maleegayaan.

Puntlandi.com
Baydhabo