Dowlada Puntland oo beenisay in Dowlada Federaalku lacag ugu deeqdey Wadada Ceeldaahir Ceerigaabo

Dowlada Puntland ayaa si adag uga jawaabtay sheegashada ay Dowlada Federaalku sheeganayso iney Lacag dhan 1.5 Milyan oo Doollar ay ugu deeqdey Mashruuca dhismaha Wadada Ceeldaahir ee Ceerigaabo.

Lacagtaan ay Sheeganayso Villa Soomaaliya ayaa ah Deeqaha Midowga Yurubbugu deeqaan Soomaaliuæya.

Deeqdaan ayaa Puntland Markey Dalbaneysay waxay cadeysay iney ku kabanayaan Mashruuca Wadada Ceel daahir Markii loosoo ogolaadayna waxaa lacagta lasoa mariyey sidii caadada ahayd Xukuumada Federaalka.

Lacagtaan deeqda ah ee midowga Yurub ugu deeqeen Soomaaliya, Waxay Puntland go’aansadeen in 1.5 milyan oo kamid ah laguvwareejiyo Gudiga Wadada Ceeldaahir.

“Xukuumada Federaalka wax shaqo ah oo haba yareetee ay ku leedahay lacagtaan soo dhicinteeda ma jirin, Waana nasiib daro inaad sheegato limin aadan lahayn, Haday run ka tahay Xukuumada Federaalka lacagtii Dowlada Qadar ku deeqday oo dhameyd 200 milyan ha ugusoo deeqeen Mashaariicda Puntland, Laakiin Markii Puntland ay Caalamka ka raadsato kaalmo oo ay kasoo hesho iyagoo u daneynsya Shacabkooda ma ahan in la yiraahdo anagaa ugu deeqnay” waxaa sidaas sheegay maanta Dowlada Puntland.

Hoos ka akhriso Warwadii lacagta lagusoo wareejiyey oo Madaxweyne Gaas Saxiixey

Hoosna ka akhriso Warqadii Puntland ku cambaaraysay Villa Soomaaliya oo iyagu sheegtay iney lacagtaas bixiyeen