Faalada Jamcada: Baqdin laga qabo Tayada Xildhibaanada cusub ee Puntland,Talo ku socota Isimada Puntland

Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Puntland ayaa muujiyey cabsi wayn oo ay ka qabaan in Xildhibaanada Puntland ee iman doona ay noqdaan kuwo tayadooda shaqsiyadeed iyo mid aqooneedba ay aad u hoosayso.

Siyaasi ruugcadaa ah oo la hadlay Puntlandi.com ayaa yiri” Markaan eegey qaabka wax u socdaan iyo Shaqsiyaadka u ordaya iney Xildhibaano ay noqdaan waxaan dareemayaa Siyaasad xumo iyo daneysi shaqsiyadeed inuu jiro.

Dadka hada raadinaya Xildhibaannimada Waa dad qaarkood aan waxba lagu aamini karin oo Dabada ay kasoo riixayaan Dad kale, qaarkood maba xishoonayaan oo Doolar bay jidka la taagan yihiin ,ma dadkasaa lagu aamini karaa masiirka umada Puntland.



Isimada Xalaasha ah ee Puntland waa iney ka foojignaadaan, fiiragaarana u yeeshaan Dadka ay usoo xulayaan iney Matalaan Shacabka ayna ogaadaan in Hal xaaraan ahi aysan dhalayn Nirig xalaala.

Hadii ay Xildhibaanada cusub ee Puntland noqdaan Shaqsiyaad Calooshood u shaqaystayaal ah, oo qaarkood aan waxna aqriyin waxna qorin , qaarkoodna ay yihiin Dad aan ujeed Siyaasadeed aan lahayn, qaarkoodna ay yihiin “Oraah aan waayadaan dabe Maqlayay oo ah “Adeer Ciyaalkaan ku korsanayaa”.

Isimada Soo jireenka ah ee Puntland oo iyagu ah shaqsiyaadka leh Saxiixa ugu dambeeya ee Xildhibaanka Beeshiisa,waa in Isim walbaa uu lashiraa Gacanyarayaashiisa (Nabadoonada soo xulaya Xildhibaanada) Halkaasna lagu dhaariyo Masuul Beeleed walba oo Xildhibaan Soo xulaya.

Waa in dhaartaas noqotaa
-in uusan laaluush ka qaadan Dadka u tartamaya Xildhibaanimada,

-In uusan shaqsiga lasoo xulayo lagu soo xulaa kartidiisa,Aqoontiisa iyo magaca iyo maamuusta ui Bulshada ku dhex leeyahay.

-Iney ka fogaadaan Qawlaysatada lasoo tuuray ee iska ordeysa, kuwasoo la arko oo qura markii neef la qalanayo.

Maxaa loo dhaariyaa oo qura Masuuliyiinta lasoo doorto,Waa in marka hore la dhaariyaa Dadka soo xulaya Xubnaha Baarlamaanka, oo aasaaska u ah Jogaanka iyo Mustaqbalka Bulshada, Markaas ayay Hasha Xalasha ahi ay dhalaysaa Nirig Xalaal ah.

Puntlandi.com
Garowe