Qalalaase Xoogan oo ka taagan Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Yaa qasaya

Xildhibaanada Iyo Siyaasoyiinta Koonfur Galbeed ayaa walaac ka muujiyey qaabka ay ku socoto Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Ka dib iscasilaadii Madaxweyne Shariif waxaa si xoogan Magaalada Baydhabo looga dareemayaa Culeyska Siyaasadeed ee deegaanka iyo Saameynta ay Villa Soomaaliya ku yeelatay.


Waxaa Magaalada ku sugan Xubno ka tirsan Labada Gole ee Xukuumada Fedderaalka, joogitaanka xubnahaan waxay tahay hal arin oo qura arintasoo ah in kursiga lagu fariisiyo Shaqsi ay Villa Soomaaliya wadati qaabkii ay u saamaxdaba ha u mareene, taasna waa tan walaaca laga qabo.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee kasoo hor jeeda Kooxda ay Villa Soomaaliya dabada kasoo riixayaan ayay ku eedeeyeen kuwo aan wax dan ah ka lahayn Amaanka iyo horumarka deegaanka, waxay kaloo ku eedeynayaan iney khal khal galinayaan Magaalada Baydhabo.

Mukhtaar Roobow oo horey u ahaa Hpgaamiye Argagixiso oo hogaamiye sare kasoo noqday Al–shabaab ayaa isna garabka sadexaad ah, ilaa hadana ai rasmi ah oo hoose ma jirto cid u og meesha uu doonayo inuu reerka u raro haduu ku geeleysto ololihiisa Doorashada.

Roobow wuxuu ka mid yahay raga ugu cadcad Doorashada wuxuuna si weyn ugasoo horjeedaa Kooxda ay Villa Soomaaliya wadato.

Mushariinta badankoodu waxay hada cabsi ka qabaan in Doorashada ay gaarto sanadka soo socda waayo wali waxaa muran ka taagan yahay ansixinta Gudiga Doorashada, sababta gudiga deg dega loogu ansixiyey ayaa keeni karta in Doorasho ay dhici wayso dhamaadka bishaan oo ah marka la iclaamiyey Dporashada.

Maxaa Sababay in Gudiga Doorashada aa n la ansixin.

Musharixiinta inta badan iyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed waxay aamin san yihiin in Gudigaan muranku ka taagan yahay ay yihiin shaqsiyaad ay Villa Soomaaæiya ka dambeeyaan.

Kalsoonida lagu qabana aad ayay u yartahay taasaana keentay in la ansixin waayo ilaa hada.

Where is Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Xasan

Madaxweyne Shariif oo todobaad ka hor xilka oska casilay wuxuu wali saameyn weyn ku leeyahay Doorashada, wuxuu joogaa hada Nairobi laakiin teleefoon ma uu dhigo oo haækaasuu oæoæaha kaga jiraa, wuxuuna geed dheer u fuulay inuu ka taqaluso musharixiinta ay Vimla Soomaaliya wataan.

Puntlandi.com
Baydhabo