Buuq ka taagan Baarlamaanka Koonfurgalbeed iyo Xildhibaanada oo gacanta isula tagay



Xildhibaanaza Koonfur Galbeed oo maanta isugu yimid iney ansixiyaan Gudiga Doorashada Ayaa dagaal gacan ka hadal ah uu dhexmaray.

Xildhibaanada qaarkood ayaa ku doodaya in Faragalin xoogan ay ku hayso Dowlada Federaalku oo iyadu xitaa saameyn ku leedahay Xulista Gudiga Doorashada.

Wasiir ka tirsan Federaalka ayaa dhex fadhiyey Xildhibaanada xiliga uu buuqu bilowday.

Waxaa maanta qorshuhu ahaa in la meel mariyo Gudiga cusub ee Doorashada si loo gudo galo howlihii doorashada laakiin taasi wali ma aysan dhicin oo wali buuq ayaa ka dhex taagan Baarlamaanka.

Puntlandi.com
Baydhabo