Qarax ka dhacay Baladweyne iyo ciidamado katirsan maamulka Gobolka Hiiraan oo ku dhaawacmay

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wararka uu Puntlandi.com uu ka helayo ayaa sheegaya in qarax xoogan  uu ka dhacay  meel ku dhaw Saldhiga dhexe ee magaalada Baladweyne  .

Dadka deegaanka ayaa Puntlandi u sheegay in qaraxan lagu soo riday Jawaan ,dabadeedna la soo dhigay meel aan ka fogayn Saldhiga ciidamada Booliska ee degmada .

Ugu yaraan ilaa iyo sadax qof ayaa ku dhaawacmay qaraxan ,waxaana la soo sheegayaa in koodii qaraxa dhigtay goobta ay isga baxsadeen .

Ciidamada amniga ayaa goobta so gaaray ,waxayna ka sameeyeen howlgalo lagu soo qab qabtay dad looga shakisan yahay qaraxan in ay fuliyeen.

Al-shabaab oo qool soo dhigay bartooda Internedka  ayaa sheegtay  qaraxan in ay fuliyeen xubno ka tirsan xarakada, ayna ku dileen ciidamo ka tirsan maamulka  Gobolka Hiiraan.