Wasiir ku xigeenkii hore ee maaliyadda Puntland oo iskusoo sharaxay madaxweyne ku xigeen.

Garowe (Puntlandi) Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada maaliyadda dowladda Puntland, Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), ayaa maanta ku dhawaaqaya inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ee doorashda fooda inagusoo haysa.

Musharax ayaa haatan Garowe shir ku leh magaalada Garowe halkaasi oo la filayo inuu uga dhawaaqo go’aankiisa, isagoo hal ku dhig ka dhigtay ammi iyo dowladnimo.

Qowdhan ayaa lasoo shaqeeyay xukuumadi Cabdiraxmaan Faroole, isagoo ahaa wasiir ku xigeenkiisa maaliyadda. Goor dhow ayaa la filayaa inuu saxaafada la hadlo soona bandhigo ujeedada uu isku sharaxay iyo barnaamijkiisa.

DAAWO SAWIRRADA.