Garowe oo heshay Dam damisyo ku filan, balse sidii loo baahnaa malooga faa’idaysandoonaa?

Duqa degmada Garowe, Axmed Muuse Siciid (Axmed Barre), ayaa bartiisa facebook ku shaaciyay in Garowe ay soo gaareen saddex gaari oo dab damis ah, kuwaas oo baahi weyn loo qabay xilligaan.

Waxaa xusid mudan qalabkan muhiimka ah soo iibintiisa in ay iska kaashadeen shirkada Golis oo bixisay 20% halka Dowladda hoose ee Garowe ay bixisay 80%.

Su’aasha dadweynaha iyo saxaafadu isweydiinayaan ayaa waxay tahay sidee looga faa’idaysandoonaa qalabkaan? iyadoo la ogsoon yahay in dab damisyadii horey u ooli jiray caasimadda ay ahaan jireen kuwo isaga xareysnaan jiray dowladda hoose ama daryeel la’aan u xumaan jiray.

Su’aasha kale oo la isweydiinayo ayaa waxay tahay, gaadiidkaan heegan mar walba ma ugu jiridoonaan ka jawaabida xaaladaha dabka, iyadoo la ogsoon yahay in tiro dhowr jeer ah iyadoo dab damis dowladda hoose leedahay in booyadaha shirkadaha biyaha ay ugur madeen dab badan oo Garowe ka kacay.

In Garowe hesho dab damisyo badan ayaa timid kadib khasaarihii nafeed iyo hantiyeed ee ka dhashay dambii sanadkii 2017, bishii decmber 31, ka kacay kaalin oo kutaalay Garowe, kaasoo ay ku dhinteen 7 qof.

Puntlandi.com