Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in deg deg loo xaliyo,khilaafka Siyaasadeed ee Galmudug

Madaxweyanaha Dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Dani oo Caawa la hadlay shacabka Puntland ayaa khudbadiisa wuxuu kusoo qaatay khllaafka siyaasadeed ee Maamulka Galmudug ukala qaybiyay labo, wuxuuna Madaxweyne Dani ku baaqay in dhinacyada isku haya Galmudug ay miis wada fariistaan ayna xaliyaan khilaafka dhexyaal.

Madaxweyne Dani wuxuu ka digay in khilaafku haduu sii jiro uu garab siinayo Argagixisada oo qaybo kamida Deegaanka saldhigyo ku leh,

  • “waxaan ugu baaqayaa Dhinacyada isku haya Siyaasada Galmudug,Maamuluda kale ee Dalka iyo shacabkaba iney ka qaybqaataan sidii loo xalin lahaa khilaafka ka jira Galmudug”
    ayuu yuri Madaxweyne Dani

Maamulka Galmudug ayaa mudo sanad ku dhow wuxuu ukala jabnaa laba garab oo kala fadhiya Cadaado iyo Dhuusamareeb,  waxaana khilaafka lagu eedeeyaan in Dowada Federaalku ay qayb ka tahay, Madaxweynaha la dooran Axmed Ducaale Xaaf ayaa ayaa Villa Soomaaliya ku eedeyey iney faragalin xoogan ku hayo Maamulkiisa, sida muuqataaa hada khilaafka ka jira Galmudug wuxuu gaaray her xal loo waayo-aragnimo,  tasoo keentey in ay soo fara galiyaan Maamulada Dariska la ah si xal looga gaara.

 

Madaxweyne Xaaf wuxuu hada ku sugan yahay Nairobi halkaasoo uu kulamo kula lahaa Masuuliyiin ka tirsan wadamada ay Soomaaliya Saaxiibka yihiin.

 

Puntlandi.com

Garowe